U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo “Al-shabaab Wey Daciifeen”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in awoodda Al-shabaab ay daciiftay islamarkaana aysan dagaal kala hor imaan Karin Ciidanka Xoogga Dalka.

“Way daciifeen Tabar badan malahan, waxaaa kasoo haray kaliya is qarxis meel ciidankeenna geesiyiinta ay iskaga hortageen oo ay iska difaaceen malahan, meeshay ciidankeenna ku arkaan way ka cararaan iyadoo laga yaabo in ciidankeenna aysan heysan qalab ka fiican, waxaa usoo haray inay Baabuurta wax kusoo dhex qariyaan Wiilal ay maskaxda kasoo xadaan dhahaan Jannaad galeysaan ee is dila”.

Shacabka Soomaaliyed ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka maadaama dal kasta oo amniga ka hormaray ay shacabkiisa sabab u yihiin.

“Ciidanka kaligood waxba ka maqan karaan Howl wadareed waaye dagaalkan, hadaan laga wada shaqeyn amniga dhalinyaradaas kaligood waxba ma qaban karaan, ciidanka marka wax loo soo sheego ayay wax qabtaan laakiin Magalooyinka Caalamka waxay ku hormariyeen amnigooda Shacabka oo Ciidamada la shaqeeyay”.

“Dagaalka Al shabaab wuxuu u baahan yahay Geesinimo sida Ciidankeena Geesiyiin u yihiin waa in Shacabkana ay geesiyo noqdaan, waa bini’aadan haday diyaar u yihiin inay dhintaan anaguna waa inaan ogolaanno inaanu dhimano, annagu hadaan dhimano waan shahiidnay maxaa yeelay waxaan u dhimaneynaa wax xaq ah”.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan uu xalay a qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdegga ah, maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.