U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed Waa Iney Ka Qeybqaataan Xoreynta Goobaha Weli Gacanta Ugu Jira Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney kaalin mug leh ka qaataan dagaallada ay dowladda dooneyso iney ku qaaddo Al-shabaab.

Waxa uu madaxweynaha u sheegay dhallinyarada Soomaaliyeed in looga baahan yahay iney ka qeybqaataan xoreynta goobaha weli ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayuu sheegay madaxweyne Farmaajo in dhankooda laga rabo iney caanaha iyo biyaha ka dabaqaadaan ciidamada xoreynta wada, culimadana wuxuu ugu baaqay iney shacabka u sheegaan in Al-shabaab aanay diin wadan, halka fanaaniinta uu u sheegay in laga doonayo iney bulshada baraarujiyaan.

“Qof kastoo Soomaali ah waxaan ka rabnaa haddii aan annaga oo madaxdii dalka ah aan isla qaadannay qorshe mideysan iyagana waxaan ka rabnaa iney kaalintooda ka qaataan, garabna siiyaan ciidamada geesiyiinta ah oo ku jira aagagga hore, dhallinyarada Soomaaliyeed waa iney ka qeybqaataan xoreynta goobaha weli gacanta ugu jira Al-shabaab, hooyooyinka Soomaaliyeed waa iney doorkooda muujiyaan oo caanaha iyo biyaha ka dabogeeyaan wiilasha iyo gabdhaha ku jira agga dagaalka, culimada waxaan ka sugeynaa iney ku baraarujiyaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta in Al-shabaab aanay diin shaqo ku lahayn, fanaaniinta waxaan ka rabnaa iney bulshada guubaabiyaan” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ay ku dooneyso iney ku weerarto Al-shabaab.

Goobjoog News