U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo “Dhibka Koonfurta Yaalla Puntland Iyo Waqooyiba Wuu Yaallaa”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibka ku hayaan Soomaaliya oo dhan ee aanay jirin meel gaar ah oo dhibkooda ku egyahay.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in Al-shabaab markii ay cadaadis dareemeen ay u carareen Puntland iyo deegaanno kale oo gobollada Waqooyi ah.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in si wadajir ah loola dagaallami doono Xarakada Al-shabaab meel walbo oo ay dalka ka joogaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dhibka Koonfurta yaalla Puntland iyo Waqooyi meel walbo wey yaalaan, dhibka kuwa nagu haya ee Shabaabka ah markii ay culeys dareemaan qasbiyan waxay aadi karaan meelaha ay is leeyihiin waad ku dhuuman kartaan, oo aan is leeyahay hadda iney bilaabeen iney soo galaan buuraha Puntland, isku mowqif ayaan ka nahay, isku furun baan ku jirnaa, waana la wada dagaaleynaa cadowgaas Soomaaliya haysta ee dhibka ku haya, haddi ay joogaan Puntland ama haddii ay joogaan Koonfur” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay gaarayeen deegaanno ka tirsan Puntland.

Goobjoog News