U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Hambalyo u Direy Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.

-DHAMMAAD-