U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Abiy Axmed Oo Kulan Ku Leh Addis Ababa

Sheeko:Dalka

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka soconaya kulan u dhaxeeya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladaasi, waxaana jiray kulamo hordhac ah oo durba ay yeesheen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Labadan mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saarayaan arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo iskaashi dhexmara Labada dal.

Markii ay soo dhammaadaan kulamadan ayaa la filayaa in faah faahin dheeraad ah laga bixiyo waxa ay isku afgarteen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News