U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Amiirka Qatar Oo Wada Booqanaya Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Isniintii shalay aheyd, dalka Talyaaniga waxaa booqasho rasmi ah ay uga wada bilaabatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad.

Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan  in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan.

Villa Somalia ayaa isniintii sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu Talyaaniga ku tagayo booqasho 3 maalin ah halka isla isniintii ay Amiir Tamiim Roma uga bilaabatay booqasho 2 maalin ah.

Amiir Tamiim oo ka yimid Croatia ayaa ilo halkaasi ku sugan waxaa ay sheegayaan in lagu wado inay is arkaan madaxweyne Farmaajo, taasi oo ah is-arag dadban, oo ka duwan midkii indhaha Soomaalida, gobolka iyo Caalamka arki jireen ee ka dhici jiray caasimadda Doxa.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qatar u booqday 2 jeer, May 2017 iyo May 2018, isaga oo xiriir fiican la leh Doxa, go’aan dhex-dhexaadnimo ahna ka qaatay xiisaddii Khaliijka.

Wixii wararkan, ka soo baxa, Kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News