U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Xiriirka Labada Dal

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle waxay ka wada hadleen arrimo ku aadan xiriirka Labada dal.

C/nuur Maxamed Axmed, Agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya ayaa u sheegay Goobjoog News, in Labada madaxweyne ka wada hadleen iskaashiga dhanka ammaanka, xoojinta xiriirka Labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inuu ka qeybgeli doono munaasabad xariga looga jarayo dekad weyn oo dhowaan dalkaasi laga hirgeliyey.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana dalka ka jooga ciidamo ka qeybqaadanaya howlgalka AMISOM.

Sidoo kale dowladda Jabuuti ayaa shirar kala duwan oo dib u heshiisiin ah u qabatay Soomaalida wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, waxaana dalkaasi lagu soo dhisay dowlado dhowr ah.

Goobjoog News