U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Madax Kale Oo Ka Hadlay Dibad-bax Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Waxaa galabta dibad-bax lagu qabtay garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeyb-galeen madaxda dalka sida duqa magaalada Muqdisho, guddoomiyaha aqalka sare, ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah.

Guddoomiyaha aqalka sare oo goobta ka hadlaya ayaa soo jeediyay in laga gudbo khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada si midnimo qaran loo helo.

Ra’isul wasaaraha Cali Kheyre ayaa dhankiisa ballan-qaaday in uu dagaal la geli-doono xarakada Al-shabaab, uu sheegay in ay ka dambeysay qaraxii ka dhacay qaraxii Zoobe 14/10/2017.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  sheegay in shacabka quluubtooda ilaahey isku soo dhaweeyay si  cadawga u arkaan, dowladda la difaaco, waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka gargaarka fidiyay.

“Octobet 14, waxaa ay Ka tarjumeysaa in ay wixii hore aan laga jawaabin, Al-shabaab waxaa ay yiraahdeen intii hore ka badan in aan dilno weeye, Hotelo weeraraan sida Shaamow, waxaa ay qorsheysteen in shacabka aan mutacalimiin lahaanin, Harkaha iyo Saamaha oo ardey laayeen, waxaa ay rabaan in intan la eg laayaan..haddii aan ka jawaabin, dhibaatada waa sii badaneysa ilaa hilbaheena dhulka laga gurto” madaxweynaha ayaa sidaasi yiri.

“Annagoo ka jawaabeyna October, waxaan ku baaqaa, in shacabka bad-baadino, oo aan la dagaalno Shabaab, difaaca hooyooyinkiina, dariskiina iyo dalkiina, difaaca dalka waa muqadas, anigaa u horeeya oo safka hore galaaya”.

Wararkan oo dhameystiran, Kala soco warakeena dambe.