U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Barge Brende oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay Mr. Brende sidii ay Soomaaliya u taageeri lahaayeen, waxaana wasiirka arrimaha dibadda Norway dhankiisa sheegay in Soomaaliya la joogo waqtigii la caawin lahaa.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan u baahan tahay in dhinacyo badan laga taageero, wuxuuna sheegay iney u yimaadeen sidii ay dowladda Federaalka kala hadli lahaayeen xaaladda dalka iyo wada shaqeyn Labada dhinac dhexmarto.

Wuxuu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in dowladda Norway ay ballanqaaday iney taageero toos ah siiso Soomaaliya, kana qeybqaataan horumarka iyo nabadda.

“Madaxweynaha iyo aniga waxaa nagu soo booqday xafiisyadeena wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxay dowladda Norway go’aansatay in Soomaaliya leedahay fursad cusub oo rajo weyn ay ka muuqato, waxay go’aan ku gaareen iney qaadaan tallaabooyin ka duwan kuwii hore, waxay go’aansadeen  in dowladda toos ula shaqeeyaan, kala shaqeeyaan dhaqaalaha, dib u dhiska iyo nabadgalyada” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale Ra’iiisul wasaare Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in dalalka caalamka ay xilligaan usoo jeesteen iney Soomaaliya wax la qabtaan oo ay la shaqeystaan, shacabkana laga doonayo iney ka faa’ideystaan fursadahaasi