U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo Kawada Hadlay Diyaaradda Ku Burburtay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo kan Kenya Uhuru Kenyatta oo kuwada hadlay khadka taleefanka ayaa waxa ay kawada hadleen diyaradda ku burbrutay gudaha Soomaaliya gaar ahaan degmada Bardaale ee gobalka Baay.

sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta isaga oo ka tacsiyadeeyay burburka naf iyo maal diyaaradda laga lahaa dalka Kenya ee ku burburtay magaalada Bardaale ee agagaarka Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargaliyay madaxweyne Kenyatta inuu faray hay’adda socdaalka Soomaaliya barista sida ku dhacday diyaaradda taas oo sidday shixnad bani’aaddanimo, sidoo kale waxa uu Farmaajo ku casuumay hay’adda socdaalka Kenya inay qeyb ka noqoto baarista taas oo uu soo dhoweeyay Uhuru Kenyatta.

Diyaarad sidday shixnad islamarkaana ay lahayd shirkadda African Expres ayaa shalay gelinkii dambe ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay ilaa haddana lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddaasi dhacdo.

Goobjoog News