U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu uga soo qeybgalay shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo dowladdaasi ay qabanqaabisay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadda waxaa madaxweyne Farmaajo kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Shirka London ayaa looga hadlay arrimo badan ku saabsan Soomaaliya, sida amniga, abaarta, dib u dhiska ciidanka, waxaana ka qeybgalay dalal badan iyo ururo caalami ah.

Goobjoog News