U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo: Marna Ha Ogolaanina Dowlad Kasta oo Timaada in La idiinka Horkeenno

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta munaasabadda 1da Luulyo darteed shacabka Soomaaliyeed kula hadlayey garoonka kubadda cagta ee Koonis ayaa shacabka kula dardaarmay in aan madaxdooda lagu dirin.

Madaxweyne Farmaajo oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yri “Ugu dambeyntii, shacabka Soomalaiyeed waxaan kula dar-daarmayaa, haddii aad  tihiin cududdii umadda Soomaaliyeed, marna ha ogolaanina dowlad kasta oo timaada in la idiinka horkeenno, maxaa yeelay idinka ayaa ka faa’idaya, caruurteenna ayaa ka faa’ideysa, caafimaad ayaa laga heli, adeeggii dowladda ayaa laga raba”.

Dhinaca madaxweyne Farmaajo waxaa uu sidoo kale ka hadlay wadaniyadda, isaga oo sharaxaad ka bixiyay tusaalooyin badan oo wadniyadda ah, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “ Waddanimmo ayaa laga rabaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waddiyaddu hadal ma aha”, waddiyadduu waa ficil, wadanidayadduu waa in aad dalka difaacato, waddaniyadduu waa inaad dowladdaadu dhowrato, wadaniyaddu waxaa weeye inaad canshuur bixiso, wadaniyadda meesha ugu sahlan wadankaaga inaad qashinka ka uruuriso weeye, wadaniyaddu waa inaad qabiilka ka fogaato iyo waxa idiin kala qeybinaayo oo horay isticmaarka u Isis nagu kala qeybianayaan, waxaa noo ballan ah sanad sanadkiisa horumar muuqda inaan gaarno inaga oo isku duuban, oo walaalo ah”.

Soomaaliya waxaa ay xuseysaa sanad guuradii 58aad ee 1 Luulyo oo ah maalintii xuriyadda gobollada Koonfurta ee midnimada Jamhuuriyadda dimoqoraadiga ee Soomaaliya.

Goobjoog News