U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo: Musuqa Waa Cadowga Dowladinimada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey in musuqa uu yahay midka dowladdu ay la dagaalleyso.

Waxa uu sheegay Farmaajo in dowladda Federaalku aysan ogaal doonin in musuq dalkaan uu ka dhacay, isaga oo tilmaamay in madaxda dowladda oo isaga uu kamid yahay in meel uga soo wadajeedsanayaan sidii loola dagaallami lahaa Musuqa, caalamkana loo tusi lahaa in Soomaaliya ay tahay dal aan musuq ka dhicin.

“Annaga oo madaxdii qarnka ah waxaan la dagaaleynaa Musuqmaasuqa, maxaa yeelay musuqa waa cadowga dowladinimada Soomaaliyeed wuuna ahaa 16 sano iyo wixii ka horreeyay, sidaasi darteed annaga oo ka cibro qaadaneyna musuqa ma shaqeyn karo dowladna laguma dhisi karo, sidaasi darteed waxaa inaga go’an in dowladdaan aanu ka shaqeyn qof tuug ah, ay noqoto dowlad nadiif ah, iney noqoto fiican oo caalamka ka magacaaban” ayuu yiri Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dowladda ay kobcin doonto dhaqaalaha si dhallinyarada dalka wax ku bartay u helaan shaqo abuur.

“Waxaa balan nagu ah in aan kobcinno dhaqaalaha sidii aan  idiin sheegay oo aan la dagaallanno faqriga, dalkeennu waa qani, wax walbo waan haysannaa, laakiin wax walbo Kow waxaa ka ah amniga, ciidamadu iney nagala shaqeeyaan amniga, in AMISOM iyo dowladaha shisheeye ee nala jooga ee gacanta nagu siinaya inaaan la shaqeynno, faqriga waa cadogw Soomaaliyeed, sida Musuqa iyo argagaxisa cadow u yihiin”

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxay ka sugayaan isbedallo dhan walbo leh.

Goobjoog News