U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Booqanaya Suudaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa ay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah maanta uga bilaabaneysaa dalka Suudaan .

Madaxweyne Farmaajo waxaa safarkiisa ku wehlin-doono Wasiirrada arrimaha dibadda Amb.Yuusuf-Garaad Cumar , Maaliyadda Xil. Dr.Cabdiraxman Ducaale Beyle, Beeraha  Xil. Saciid Xuseen Ciid, Dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiiyo Diiriye.

Inta kuu Khartuum joogo, Farmaajo waxaa uu wada hadal la yeelan-doonaa Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’isul wasaaraha Bakri Xasan Saalix iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa kale, oo Jadwalka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ka mid ah in ay soo booqdaan warshado badan iyo goobo badan oo waxbarasho ka hor inta aaney dhigooda Suudaan la saxiixan heshiisyo dhinacyo badan.

Wararka booqashada, Kala soco, Goobjoog News