U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Kaawo Godey (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeellooobay qarixii ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir ee ku sugnaa Isbitaal Madiina.

Madaxweynaha ayaa oo ay la socdeen taliyeyaasha sarsare ee ciidanka Boliska iyo hay’adda NISA iyo Asluubta ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah lagu baxnaanin doono dalka dibaddiisa oo loo qaadi doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxa, isagoo kuwa dhaawac ahna u rajeeyay iney si degdeg ah u caafimaadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed u midoobaan arrintaan khatarta ah ee qaraxyada oo ay meel uga soo wadajeestaan, isagoo u ballanqaaday qofkii qarax soo sheega in la siindoono $100.000(Boqol kun  oo dollar).

farmaajo farmaajo1 farmaajo2 farmaajo3 farmaajo4

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in ka badan 30 qof ay dhinteen, qaraxii shalay,  40 ruux oo kelana ay dhaawacyo kala duwani ay soo gaareen oo ay ku jireen carruur yar-yar.

Goobjoog News