U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Kalfadhiga 2aad ee Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu furay kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare, waa golihii 2aad oo muddo todobaad ah furmaya.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2aad ee aqalka sare, waxaa kale oo joogay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’siul Wasaare Xasan Khayre, waxaa kale oo goobta joogay safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare ayaa furmaya iyada oo golaha laga sugayo in uu ka doodo hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka, oo inta badan khuseeya arrimaha federaalka ah.

54-ta Xildhibaan ee golaha aqalka sare ayaa ka soo laabtay fasax 2 bil oo laga doonayey in 15 maalmood oo ka mid ah ay ku tagaan goobihii laga soo doortay, waxaana la filayaa in warbixinno laga dhageysto.

Sida ay u dhacdo munaasabadda, kala soco Goobjoog News

Goobjoog News