U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland, shacab aad u badan ayaa madaxweynaha kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Ammaanka guud ee Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dadweyne badan isugu soo baxeen guud ahaan magaaladaasi oo laga dareemayo soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta, waxgaradka iyo sidoo kale shacabka Gaalkacyo, iyadoo la filayo in madaxweynaha uu shacabka kala hadlo meel fagaare ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News