U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Hal Derajo Dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo maanta ka qeybgalay munaasabad ka dhacday Muqdisho, looguna magac daray kulanka xogagga wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa Hal derajo dalacsiiyey taliyaha Booliiska.

Taliye Bashiir Cabdi Maxamed oo ahaa Sarreeye Guuto ayaa hadda la dalacsiiyey Hal derajo, wuxuuna ku muteystay howlkarnimo iyo dedaal shaqo waa sida uu madaxweynaha sheegay.

Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa waxaa hadda horyaalla shaqooyin badan oo ay ka mid tahay dib usii habeynta ciidamada Booliiska iyo sugista amniga.

Taliye Bashiir ayaa xilkaan waxaa loo magacaabay 19-kii bishii February ee sanadkan 2018.

Goobjoog News