U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay Baroor-diiq iyo In Calanka Hoos Loo Dhigo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee SoomaaIiya ayaa ku baaqay in gargaar lala gaaro dadka ay waxyeellada ka soo gaareen qaraxa Zoobe, weliba qaab kasta oo suuragal ah.

Mudane Farmaajo ayaa dhankiisa ku dhawaaqay Baroor-diiq iyo in calanka hoos loo dhigo isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri“Walaalayaal qaraxii dhacay waxaan ku weynay dad badan oo bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa , waxaan ku baaqayaa 3 maalin oo baroor-diiq ah iyo in calanka hoos-dhigo, shacabka waxaan ugu baqaayaa in cawadga u midowno…hey’adaha amniga waxaan farayaa in ammaanka la adkeeyo”.

Madaxweynaha waxaa uu ugu dambeyntii ku baaqay midnimo qaran iyo in shacab iyo dowladba iska kaashadaan arrimaha amniga.

Weli hey’adaha amniga kama hadlin khasaaraha dhabta ah ee qaraxa ka dhashay, dad badan ayuu dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi, waxaa sidoo kale ku burburay hanti iyo dhismayaal badan.

Goobjoog News