U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay In Shacabka Waddooyinka Loo Furo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee dowladda in shacabka ay u fududeeyaan isku socodka islamarkaasna la furo waddooyinka xiran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in nabadgelyadu ay ku timaado wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo ciidamada isaga oo ka dalbaday Shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa la xiray waddooyinka muhiimka ah iyada oo la dhigay ciidamo iyo gaadiidka dagaalka shacabka iyo gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayey waddooyin in ay maraan.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Makah al mukaramah iyo waddooyin kale oo muhiim ah.

Goobjoog News