U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay In Xayiraadda Laga Qaado Eritrea

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Asmara ee dalka Eritrea waxa uu ku baaqay in dalkaasi laga qaado xayiraadahada saaran.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in si looga wada shaqeeyo mustaqbalka geeska Africa uu ku baaqayo in gabi ahaanba cunaqabateynta iyo xanibaadaha dhaqaale laga qaado Eritrea.

“Ereteriya waxa ay muhiim u tahay mustaqbalka Geeska Afrika, maamulkaygu waxa uu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo maamulkaaga danta labadeenna shacab iyo guud ahaan shucuubta Geeska Afrika, si taas loo gaaro, waxa aannu ku baaqaynnaa in gebi ahaanba cunaqabaynta iyo xannibaadaha dhaqaale laga qaado dadka reer Ereteriya si loo helo isdhexgel dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suurtagelinaya ganacsi xor ah, kaasi oo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Cunaqabateynta Saaran Eritrea ayaa loo saaray Soomaaliya darteed, kadib markii lagu eedeeyey iney taageero siiso kooxaha ku kacsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News