U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaan in saacadaha soo aadan ee maanta ay gaaraan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Waxaa la socda madaxweyne Farmaajo, madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka, wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka degmada Dhuusamareeb oo uu madaxweynaha ku wajahan  yahay ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi isugu soo baxay shacab badan oo isku diyaariyey iney caleemo qoyan kusoo dhoweeyaan madaxweynaha.

Sidoo kale, Dhuusamareeb waxaa tagi doona madaxda maamul goboleedyada dalka, kuwaasi oo iyaguna goob joog u noqon doona heshiis kama dambeys ah oo qalinka ay ku wada duugi doonaan madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo hadda ah madaxa wasiirada Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, wuxuuna safarka uu ku tagayo Dhuusamareeb qeyb ka yahay socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News