U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa iney booqdaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la arakayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo waddooyinka magaaladaasi ku sugan, amnigane xaqiijinaya.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ka socota qabanqaabada soo dhoweynta madaxweynaha, iyadoo meello badan oo magaalada ah lagu dhejiyey sawirada madaxweynaha.

Markii uu madaxweyne Farmaajo tago Kismaayo waxa uu la kulmi doonaa madaxda Jubbaland, qeybaha kala duwan ee Bulshada, sidoo kalena wuxuu kormeer ku tagi doonaa xero ciidan oo ay ku diyaarsan yihiin ciidanka isku dhafka ah ee loogu talogalay in Al-shabaab ka saaraan Jubbooyinka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News