U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulamo La Leh Madaxda Dalka Qatar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo gaaray dalka Qatar ayaa maanta waxa uu kulamo la leeyahay madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo Labada dal ku saabsan.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo si aad ah u lafa guri doona xiriirka dowladaha Qatar iyo Soomaaliya.

Waxaa jiri doona heshiisyo ay gaari doonaan Labada dowladood kuwaasi oo u badan dhanka horumarinta iyo ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo wafdigiisa waxaa ka mid ah wasiirada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan, oo iyaguna la kulmi doona wasiirada dhiggooda ah ee dalka Qatar.

Safarka uu madaxweyne Farmaajo ku aaday dalka Qatar ayaa kusoo beegmaya xilli uu mugdi sii galayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay iney dhex dhexaad ka tahay khilaafka wadamada kahliijka, taasi oo ay aad usoo dhoweeyeen dowlado badan.

Goobjoog News