U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Ninkii Uu Taladiisa Isku Casilay 2011-kii

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shir gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni isaga oo kala hadlay xiriirka labada dal, nabadgalyada iyo horumarinta Soomaaliya.

Labada madaxweyne oo ku kulmay Hoteelka uu shirka IGAD ka socdo ee Villa Rosa Kempisky ayaa waxaa ay halkaasi ka soo jeediyeen hadallo gaaban.

Waxaan kugu hambalyeynaa labo arrin: waa mar horee guushii dhawwaan laguu doortay madaxweynaha Soomaaliya iyo sida aad u dhageystay xikmadda oday aan dooneyn in Soomaaliya uu cuuriyaamiyo” sidaasi waxaa yiri Museveni

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa uga mahadecliyay madaxweynaha Uganda Museveni taladii wanaagsaneed ee uu siiyay heshiiskii loo yaqaaney “Kampala Accord” ee uu isku casilay Farmaajo xilligii uu ra’isul wasaaraha ahaa 2011-kii.

Farmaajo hadalladiisa waxaa ka mid ahaa “Waxaa ay aheyd talo fiican, qofka waa in uu qaataa go’aan isaga oo eega maslaxadda dalka, hadda waxaan xoogga saarayaa dhismaha ciidamada, qalabeyntooda iyo in aan ka hortagno Al-shabaab”.

Goobjoog News