U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmaya Dhiggiisa Jabuuti

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxaana isaga iyo Geelle ay ka wada hadli doonaan xiriirka Labada dal, iyo sidii dowladda Federaalka looga caawin lahaa arrimaha la xiriira la dagaalanka Al-shabaab.

Sida qorshaha uu yahay madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka ka jeedin doonaa baarlamaanka dalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona munaasabad uu madaxweyne Geelle ku daah furayo dekad cusub oo laga hirgeliyey dalkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha sida aadka ah u taageera Soomaaliya, waxaana dalka ku sugan ciidamo ka socda dalkaasi oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Goobjoog News