U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmaya Madaxda Qadar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay ku hoyday magaalada Doxa ee dalka Qatar halkaasi oo uu shalay gaaray madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay taageero Amni iyo mid Dhaqaale uga heli lahayd Dalalka ay saaxiibada yihiin, waxaana la filayaa in uu kulamo la qaato Boqorka dalka Qadar iyo Mas’uulyiin kala duwan.

Madaxweynaha  waxaa Safarkiisa  ku wehliya Wasiirada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.

Waxaa sidoo kale inta uu joogo madaxweynaha dowladda federaalka magaalada Doxa uu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa weli faahfaahin buuxda ka bixin safarka madaxweynaha ee dalka Qatar iyo rasmiyan waxa uu ku saleysan yahay.