U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhoweeyay Garoowe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, wasiirro iyo xildhibaanno Puntland ah, saraakiil ciidan, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab aad u badan ayaa garoonka Garoowe kusoo dhoweeyay madaxweyne Farmaajo.

Boqolaal shacab ah oo ruxaya sawirada madaxweyne Farmaajo ayaa isugu soo baxay waddooyinka Garoowe, kuwaasi oo qaadayey heeso ay kusoo dhoweynayaan madaxweynaha.

Aad ayaa maanta looga dareemayaa safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Garoowe, iyadoo ammaanka guud ee magaaladaasina la adkeeyay.

Sida qorshaha yahay, madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Garoowe wuxuu la kulmi doonaa madaxda maamulkaasi, sidoo kale wuxuu madaxweynaha xarigga ka jari doonaa garoonka Garoowe oo si casri ah loo dhisay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News