U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Asmara, Eretria

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu booqasho ku tagi doonaa magaalada Asmara ee xarunta wadanka Eretria.

Booqashada madaxweynaha oo ah mid rasmi ah ayaa qaadan doonta muddo Saddex cisho ah, iyadoo halkaasina uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi oo uu ugu horreeyo Iseases Afawerke.

Waxaa lagu wadaa in ay ka wadahadlaan xiriirka Labada dal iyo arrimo kale oo muhiim u ah gobolka.

Dalka Eretria ayaa waxaa saaran cunaqabateyn hubkaiyo dhuxusha ah, taasi oo loo saaray Soomaaliya darteed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News