U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Caleema Saarayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah lagu caleema saaro magaalada Muqdisho.

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha ayaa waxaa ka qeybgali doona marti sharaf Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira.

Madaxda kasoo qeybgaleysa waxaa kamid ah:

Wakiilka Qaramada Midoobey, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, madax ka socota dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo safiirada beesha caalamka.

Waxaa kaloo munaasabadaasi goob joog ka noqon doona madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ka jira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News