U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Danjire Kuwo Kalena U Yeeray

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu saaray waxa  ugu magacaabay  C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya  u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiin u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Cusub ee soomaaliya u fadhin doona Boqortooyada sacuudi carabiya ayaa ahaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda diinta iyo Awqafta ee Xukuumadda federalka Soomaaliya .

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa  u yeeray Danjireyasha Soomaaliya u jooga dalalka Masar iyo suudaan,iyada oo laga dalbaday in mudo todobaad gudaheed ah ay ku yimaadaan Soomaaliya.

Goobjoog News