U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan Iyo Agaasinka Guud Ee Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu maanta magacaabay taliyeyaal ciidan iyo sidoo kale agaasinka guud ee Villa Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale xilka looga qaaday taliye ku xigeennadii hay’adda NISA.

Halkaan hoose ka akhriso:

1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
4. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
5. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
6. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
7. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
8. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
9. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan masuuliyiinta la magacaabay in ay si hufan uga soo dhalaalaan shaqooyinka loo igmaday