U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Mar Kale Baaq u Diray Dhallinyarada Ku Jira Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana la socday xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya.

Soo dhoweyn kadib, Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ku ammaanay shacabka Magaalada Baydhabo iyo maamulka K/galbeed sida ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa maanta tagay magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Baydhabo ay tahay magaalo ku caan ah wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed, nabadda iyo isdhexgalka.

Mar uu soo hadal qaaday sababta uu u tagay maanta Baydhabo ayuu sheegay iney tahay Labo arrin oo ay ugu horreyso abaaraha, isaga oo sheegay in ay la qeybsanayaan shacabka abaaraha jira.

Waxa uu tilmaamay in muhiim ay tahay in la sameeyo dedaallo looga hortagayo abaaraha soo noqnoqday ee shacabka aafeeyay, isaga oo tusaale usoo qaatey in la sameyn karo keyd sida biyaha, raashiinka iyo wixii lamid ah.

Arrinta Labaad ee madaxweynaha u tagay Baydhabo ayuu sheegay iney tahay amniga isaga tilmaamay in amniga yahay mid aad iyo aad u muhiim ah, islamarkaana abaarta jirta ay sii adkeysan amni xumida jirta, maadaama Al-shabaab ay xireen waddooyin shacabka loo marin lahaa gurmadka degdegga ah.

Sidoo kale madaxweynaha oo hadalkiisa sii watey ayaa shacabka K/galbeed ka codsaday in gacan hagar la’aaneed ay siiyaan dowladda maadaama dalka uu ku jiro xaalad dagaal.

“Waxaan iclaaminay in dalka xaalad dagaal uu ku jiro, yaan la jiifan, dowladda gacan hala siiyo sidii qolodaan horarka ah oo Nabad diidka ah looga hortagi lahaa, wiilasheena kuwa la qalday, la marin habaabiyey waxaan siinnay in Labo bil gudahooda noogu yimaadaan si aan waxbarasho, shaqo haddii ay tahay dhaqancelin aan u siinno umadoodana aaney dhibaateyn, waxaa muhiim ah in qof walbo oo Soomaali ah uu ku dhiirado inuu qaato mas’uuliyadda dalkaan in lagu soo dabaalo ammaan iyo amni” ayuu yiri madaxweynaha.

Farmaajo ayaa tilmaamay in ay diyaarinayaan ciidamo fiican,  la siin doono tabobar, raashiin wanaagsan meel loo saaro, caafimaadkooda laga warqabi doono, qalabkoodiina la siinayo, balse shacabka ayuu tilmaamay in iyaguna laga doonayo iney ciidanka dareensiiyaan iney taageero weyn u hayaan.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii watey ayaa ugu baaqay dhallinyarada Al-shabaab iney ka tanaasulaan fikirkooda, oo ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isku soo dhiibeen.

Booqashada madaxweyne Farmaajo oo maanta oo Axad ah ku tagay magaalada Baydhabo ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee uu ku gaaro halkaasi wixii ka dambeeyay markii 8 February 2017 loo doortay xilka madaxweynaha.

Goobjoog News