“Waxaan allah ka baryaya inuu naga aqbalo Acmaashii aan gudanay gaar ahaan intii lagu guda jiray bisha barakaysneed ee Ramadaan, munaasabadaan barakaysan ee Fidriga waxaan ku boorinaynaa Ummadda Soomaaliyeed iyo mawaadin kastaba inuu gacan ka geysto farxad galinta shacabkeena tabaaleysan”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lagama maarmaan ay tahay in laga wada shaqeeyo ammaanka iyo wada jirka Umadda Soomaaliyeed.

” Sidoo kale waxaa muhiim ah inaan ilaalino midnimada iyo wadajirkeena,kuwaas oo dhamaantood uduib dhexaad u ah waajibaadka ay nafarayso Diinteena suuban ee Islaamka,waxaan ka codsanayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed inaan gacmaha isqabsano si aan uga wada shqeyn laheyn Himiladeena iyo Hiigsigeena”

Ugu danbeyn Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in sanadkaan sanadkiisa ay ku gaaraan wadanka nabad ah oo barwaaqa ah.

“Ugu danbeyn waxaan Eebe ka baryaya inuu Ciida Ciideeda nagu gaarsiiyo dalkeena oo nabad ah oo barwaaqo ah, kuna siitilaabsano horumar balaaran oo baaxad leh”

Goobjoog News