U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Muqdisho Ku Casuumay Guddoomiyaha Baarlamaanka Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho u casuumay madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf oo isna Muqdisho jooga.

Labadan mas’uul iyo xubno kale oo Galmudug ah ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay soo gaareen magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Waxay sheegeen in madaxweyne Farmaajo ugu yeeray Muqdisho, balse ma aanay sii faah faahin ulajeedka loogu yeeray.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Goobjoog News, in ulajeedka madaxdan loo keenay Muqdisho ay tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka maalmaha badan soo jiitamayey ee ka dhaxeeya maamulka Galmudug.

Waxay dowladda Federaalka Soomaaliya dooneysaa in ay xalliso khilaafyadan, meeshana laga saaro is faham waaga, si howlaha Galmudug ay usii socdaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco warkeena kale

Goobjoog News

IMG_9345 IMG_9347 IMG_9355 IMG_9359 IMG_9360 IMG_9362 IMG_9365 IMG_9374 IMG_9377 IMG_9379 IMG_9380 IMG_9382