U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Muqdishu Amnigeeda U Mari Doona Tillaabo Uu Horay U Sameeyay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay  munaasabad lagu xusayay  sanad guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka Soomaali taasi oo maanta ka dhacday xarunta wasaaradda gaashaadhigga.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn waxa uu u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay maanta ku beegantahay sanad guuradoodii 57-aad isagoo tilmaamay in maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay leeyihiin awood shacabkana ay ka sugayaan inay waddanka ay ku soo dabaalaan xasilooni waarta.

“Waxay umadda naga sugaysaa inaan keeno magaalada Mugadishu oo ku dhawaad ay dagantahay 3 milyan oo qof iyo guud ahaan waddanka nabad gelyo”.

Madaxwynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisa ay awoodo inay waddanka ay dib ugu soo celiso ammaanka iyo xasiloonida,isagoo tilmaamay in arrintaasi ay suurto galinayso inuu haysto saraakiil badan oo dhanka dagaalka qubaroku ah”Waxaan aamisanahay inaan gaari karno, maxaa yeelay waxaan leenahay qibradii loo baahnaa “.

Madaxweynaha ayaa sheegay in istiraatiijiyadda ay dowladdii ay ku dhaqmeyso dhanka amniga ay kaga dayan doonaan xilligii uu ahaa ra’iisulwasaaraha qorshii uu isticmaalay ayuu sheegay madaxweynaha inay hadda ay isticmaalayaan si ay waddanka uga saaraan Al-shabaab”Ciidanka waxa uu ubaahanyahay hogaan ,hogaankana anigaa ugu horreeyo, aniga waxaan u sheego ciidamada qalabka sida iyo sida aan u xusho dadka ayay ku xirantahay horumarka amniga aan keeneyno magaalada mugadishu”.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in ciidanka hadaana la siinin xaquuqda ay leeyihiin uusan waddanka uusan noqonaynin mid amni ah isagoo sheegay in labadii bilood oo la soo dhaafay ay dowladda ay bixisay mushaaraadka ciidanka,waxa uuna ballan qaaday in mushaaraadka ciidanka ay noqon doonaan kuwo joogto ah hadda ka dib.

Goobjoog News