U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Murashaxiintii Uu Ka Adkaaday Ka Dalbaday Wada Shaqeyn

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kullan casho ah uu xalay u sameeyay murashaxiintii uu doorashada madaxweyaasha uga adkaaday ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan dhismaha dalka.

Qaar ka mid ah murashaxiinta oo goobta ka hadlay waxaa ay Farmaajo ugu hambalyeeyeen doorashada iyo xilka cusub ee uu umadda u qabtay iyaggoo ballan-qaaday in ay la shaqeyn doonaan.

Cali Maxamed Nuur Ameriko oo ka tirsana dadkii uu xalay madaxweynaha la kulmay waxaa uu Goobjoog News u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay murashaxiinta in uu guushan ay aheyd mid ay gaareen dhammaan murashaxiinta isbadal doonka.

Cali Amerika waxaa uu intaa raaciyay in murashaxiinta ay kula taliyeen Farmaajo in uu dhageysto rabitaanka shacabka isla markaana uu muujiyo taxadir.

Cashadan uu madaxweynaha sammeeyay iyo iswareysiga, waa dhaqan cusub uu bilaabay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo.

Murashaxiinta goobta fadhiyay waxaa ku jiray rag madax ka ah xisbiyada dalka ka jira, waana qaar ka mid ah mucaaradka uu yeellan-doono madaxweynaha mustaqbalka dhaw, laakin waxaa muuqata in hadda la wada faraxsan yahay.

Goobjoog News