U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Saxiixay Miisaaniyadda Dowladda Ee 2019

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida ay u meelmariyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019.

Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Kobaca dakhliga dalka waxa uu markhaati ka yahay miro-dhalka qorsheyaasha ku qotoma ladagaallanka musuqmaasuqa, sidaas darteed waa in isbeddel muuqda aan ka sameyno dhinacyada adeegga bulshada, amniga iyo hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si dadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in miisaaniyaddani ay ka markhaanti kacayso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska dalkooda.

“Miisaaniyaddan qaybta ugu badan waxa ay ku suntan tahay dakhligeenna gudaha, taas oo muujinaysa kartideenna iyo sida ay nooga go’an tahay in dalkeennu uu la jaanqaado dalalka kale ee caalamka, isla markaana uu gaaro maqaamka iyo maamuuska uu mudan yahay.”