U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Dowladda Xoogga Saari Doonto Dugsiyada Farsamada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa shacabka ku dhaqan degmada Guriceel u sheegay in dowladda ay hirgelin doonto dhammaan adeegyadii bulshada ee degmadaasi.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in dowladda Federaalka ah ay xoogga saari doonto iskuullada farsamada, si shacabka ay isugu  filnaadaan dhanka farsamada.

“Hadaan nahay dowladdii Federaalka waxaan idiin keeneynaa wax walbo oo awoodeenna ah oo adeegga aad u baahantihiin ah, haddii ay noqoto iskuullo farsamo, farsamo ayaan xoogga saareynaa si magaalo walbo iyo tuulo walbo isugu filnaato oo wax ay u baahan tahay iney qabsato oo farsamo ah aysan magaalo kale uga baahan iska daa in dibadda wax laga keeno, annaga waxayna inaan sameysanno” ayuu yir Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa safar ku maraya deegaanno badan oo Galmudug ah, iyadoo hadda uu ku sugan yahay degmada Guriceel.

Goobjoog News