U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Dowladdiisa Wax Badan Ka Qabatay Amniga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaaka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladdiisa mudadii ay jirtay ay wax ka qabatay amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in qorshaha amni ee caasimadda loo diyaariyay Kun iyo Shan Boqol oo ciidan kuwaasi oo ka qeybqaata howlaha amni ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay dileen saraakiil sarsare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab kadib markii howlgallo ay qaadeen ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM.

“Xukuumadeydu waqti kooban waxay wax ka qabatay arrimo ay kamid yihiin diyaarinta istiraatiijiyadda guud ee amniga, waxaa la diyaariyey qorshe amni, qorshaha amniga caasimadda oo 1,500 ciidan loo sameeyay, loo sameeyay Hal hoggaan, waxaan ku guuleysannay in ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed iyaga oo kaashanaya ciidamada AMISOM iney weeraro ku qaadaan goobo saldhig u ahaa Al-shabaab oo horjoogayaal lagu dilay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mar uu soo hadal qaaday Shirkii London waxa  uu sheegay in beesha caalamka ay diyaar u tahay dhismaha ciidamo qaran oo uu dalku yeesho.

Dowladda uu madaxweyne ka yahay Madaxamed C/laahi Farmaajo ayaa mudadii ay jirtay waxaa u suurtagashay iney u qabsoonto waxyaabo badan.

Goobjoog News