U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Soomaalida Koofur Africa Ugu Baaqay Inay Ka Fogaadaan Qabyaaladda.

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay midoobaan oo ay ka fogaadaan qabyaaladda taasoo sida uu sheegay ah sababihii keenay in dalku dagaal sokeeyo galo.

Isagoo la hadlayey boqollaal qof oo ku nool dalka Koofur Africa ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay nasiib leeyihiin maxaa yeelay ayuu yiri waxaa tihiin dad isku dhaqan ah waana in tani ay idin mideyso ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan ku hadalnaa hal luuqad, waxaan leennahay hal diin oo ah Islam waxaana sidoo kale nahay dad isku midab ah laakiin waxaa na kala qeybiyey qabiil,” ayuu ku yiri Madaxweynuhu khubad uu u jeediyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Africa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyey Soomaalida inay wax ka bartaan dadka aan isku dhaqanka iyo diinta ahayn laakiin haddana leh hal ujeeddo oo ay si nabad ah ugu wada noolaadaan.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhiirrigeliyey Soomaalida qurbe-joogta ah inay maal-geliyeen oo ay dib u dhistaan dalkooda kaasoo in ka badan 20 sano ku jiray burbur. Wuxuu sheegay in dowladdu iyadoo ka heleysa taageero shacabka ay billawday dib u dhiska goobihii taariikhiga ahaa sida tiyaatarka qaranka.

Madaxweyne Farmaajo oo ah muwaaddin leh laba jinsiyadood leh ayaa horey u soo noqday Ra’iisul-wasaare ka hor intii aysan xubnaha baarlamanku u dooran madaxweyne sannadkii 2017dii.

Caamir Sheekh oo ah guddoomiyaha bulshada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Africa kaasoo soo agaasimay kulanka ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha sida sharafta leh ee uu u aqbalay munaasabadda.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa ayaa dhankooda la siiyey fursad ay ku sharraxaan qaar ka mid ah caqabadaha ka haysta dalka ay martida u yihiin si madaxweynuhu wax uga qabto dhibaatooyinka haysta.