U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Wadahadal Ugu Baaqay Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wadahadal ugu baaqay Somaliland, xilli uu hadal ka jeedinayey munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taasi oo lagu xusayey 59-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobollada waqooyi ee dalka.

Wuxuu madaxweyne Farmaajo ugu horreyn uu sheegay in maalintan ay tahay mid qiimo badan, ayna tahay in shacabka Soomaaliyeed ilaalsadaan.

“Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.”

Somaliland ayuu ugu baaqay madaxweynaha iney ka shaqeeyaan midnimada.

“Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna”

Hadalka madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya, iyadoo maalintii shalay ahayd ay DFS iska diidday ka qeybgalka shir ka dhici lahaa magaalada Nairobi, kaasi oo wadahadal lagula furayo Somaliland.

Goobjoog News