U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Xaqiijiyey In 2020 Dalka Ka Dhici Doonaan Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xaqiijiyey in dalka ay ka dhici doonto doorashada sanadka 2020.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in horey loo bartay in lasoo baraarugo xilliga ay doorashada soo dhowdahay kadibna qaban qaabo la bilaabo, balse dowladdiisa ayuu sheegay in iyadoo Sanad iyo bar jirtaa ay ka howlgaleyso doorashada dhici lahayd 2020.

“Waxaa caado ahaan jirtay in marka doorasho ay soo dhowdahay in markaasi la ordo oo qaban qaabo la galo, kadibna wax walbo faraha ka baxaan, laakiinse annaga oo Halsano oo Afar ama Shan Bil joogna ayaan go’aan ku qaadannay inaan ka howlgalno qaabkii iyo habkii doorashooyinka loo geli lahaa 2020, arrintani waxay ku timid midnimo iyo hoggaan sax ah oo ka yimid hanka dowlad goboleedyada” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dalkaan ay ka dhacdo doorasho qof walba uu ka qeybqaato, si loo helo isbedallo.

Sanadka 2020 ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorashada qaabka xisbiyada, iyadoo ay ka qeybqaadan doonaan shacab badan oo Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Hiigsiga 2020