U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Xarigga Ka Jaray Garoonka Diyaaradaha Ee Garoowe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray garoonka caalamiga ah ee Garoowe.

Garoonkaan oo si heer caalami ah loo dhisay ayaa wixii maanta ka dambeeya waxaa kusoo degi doona diyaaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Madaxweyne Gaas oo munaasabadda xarig jarka garoonkan hadal ka jeediyey ayaa sheegay shaqo badan la  geliyey dhismah garoonka Garoowe, islamarkaana hadda uu lamid noqonayo kuwa caalamiga ah ee dalka ka jira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhankiisa hambalyo u diray shacabka iyo maamulka Puntland, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in dhismaha garoonkan uu muujinayo dib usoo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay safar ku tagay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, wuxuuna socod ku mari doonaa qaar kale oo kamid ah gobollada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News