U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo: Waan Idin Cafiyey Ee i Cafiya…Waxaan Ballan Qaadayaa Inaan Idin La Shaqeeyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabaddii lagu caleema saarayey madaxweyne Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay inuu cafiyey cid walbo oo wax ka tabaneysa (dowlad goboleedyada) isaguna uu cafis ka doonayo.

Waxa uu ballanqaaday madaxweyne Farmaajo in si buuxda uu ula shaqeyn doono dowlad goboleedyada, islamarkaana uu noqon doono oday Soomaaliyeed.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay mucaarad ifiya wixii qaldan ee jira si horumarka dalka looga shaqeeyo.

Anigu waxaan leeyahay, in laga noqdo xalay dhalay wax walbo oo lasoo maray, anaa ugu horreeya oo waxaan leeyahay waan idin cafiyey, idinkana aad i cafisaan, waxaan ballanqaadayaa inaan idinla shaqeeyo haddii aad tihiin dowlad goboleedyo iyo hadaad tihiin baarlamaanka dhexdiisa, maadaama aan ahay odaygii u dhaxeeyey insha Allah aniga ayaa dhexgalaya oo howlahooda xalinaya, laakiin mid ogaada mucaarad waa loo baahan yahay, midka loo baahan yahay waxay tahay marka ay xaaladda kulushahay in mucaaradkaasi aanay dowlado shisheeye la jirin, waa iga ballan inaan wada shaqeynno

Ugu dambeyn, madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey maamulka Puntland horumarka ballaaran ee ay sameeyeen.

Goobjoog News