U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo: Warfaafintu Weligood Kama Hadlaan waxa Wanaagsan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta ka hadlay xiritaanka shirka garsoorka ayaa weerar afka ku qaaday warfaafinta isaga oo ku eedeeyey in aaney ka hadlin wanaagga.

Mudane Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri “waxaa kale oo jira Mediyaha oo hadda social meiyaha ay noogu darsameen, Media(Warbaahinta) waxna waa dhisaan, waxna waa dumiyaan, waa xaqiiqo weeye, waxaan rabaa in aan xuso kuwa ugu waaweyn, ma rabo in aan magacooda sheego, weligood waxa ay ka hadli jireen wax dhibaato ah, waxaa ay ka hadli jireen waxbaa la dilay, waxbaa la dhibaateeyey, weligood kama hadlaan waxa wanaagsan ama hal talaabo oo ay dowladdu qaatay kama hadlaan, micnaheedu waxaa ay tahay shacabka ay maalin walbo ku jiraan sidii ay u qab jabin lahaayeen ama rajada uga qaadi lahaayeen, haddii marka ay qeyb ka noqon lahaayeen dhismaha dowladda, oo ay sheegi lahaayeen waxa wanaagsan oo dowladdu qabatay, dalka dhibaatooyin badan ayaa heysta, cadaawad badan ayaa ku gaadaaman,  iney gacan siiyaan inta  dowladdu ka hana qaado, oo ka istaagto,  markaas ay istaagto ayaa la oran karaa dumuquraadiyad loo kacay,oo dimiqoraadiyo ayaa la aaday”.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladdiisu aaney ciidan iyo hey’ado dastuuri laheyn si wax looga sheego, isaga oo weriyeyaasha dibadda jooga sheegay inay lacag fiirsadaan “  laakiin dowladdu aan ciidan laheyn, oo institution iyo hey’ado aan noo disneyn, madax wax lagu dhaleeceeyo, hade waxaa weeye waa dad aan qeyb ka aheyn horumarka iyo dhismaha dalka, waxaan rajeyneynaa inshaa allah in medi-yuhu  in dhismaha dowladda iyo dalkooda ka mid noqdaan, weliba kuwa gudaha ku jira ee dhalinyarada ah dadaal ayeey ka tahay, laakin kuwa dibadaha jooga culeys dhaqaale ayaa heysta,  maxaa yeelay waxa ay ku jiraan deyman, marka waa in wax daran sheegaan si loo dhageysto, , uniximaayaan dalka Soomaaliyeed iyo meesha ay ka yimdeen, waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay  dantooda iyo baabuurka xunka oo ay wataan iyo guriga ay ku jiraan, mar arkaayan caruurta meel loo soo celiyo iyo mustaqbal loo sameeyo ma arkaan, waxaa ay ka hadlaan wax ay Shabaab sameysay, waxaa ay ka hadlaan wax dowladda iyo shacabka iska hor keeni kara”.

Goobjoog News