U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo: Waxaa Xigi-doonna Inaan Soo Ceshano Maamulka Baddeenna

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta maamulka hawada Soomaaliya oo Muqdisho lagu daah-furay.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro uu ugu horeeyay wasiirka gaadiidka, Xildhibaanno, Saraakiisha ciidanka xoogga dalka, marti sharaf ajaanib ah iyo madax kale.

Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in arrintan ay tahay natiijada dadaal badan “Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan marqaati ka nahnay maalintaan taariikhiga ah oo aan dib ula soo wareegnay maamulkii iyo gacan ku heynta hawadeenna, arrintaasi kuma imaanin sida uu wasiirka sheegay wax iska nasiib ah, ee waxay ku timid shaqo badan iyo dadaal badan”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay cid walba oo ka shaqeysay”Waxaa mahaddeeda iska leh ilaahey waxaa kaloo leh wasiirka iyo wasiir dowlaha iyo maareeyahay iyo guud ahaan howlwadeennada wasaaradda, waxaan kaloo uga mahad-celineynaa hay’adda ICAO  oo la shaqeysay wasaaradda muddo dheerna soo maamulayey hawadeenna”

Farmaajo waxaa uu intaasi ku daray in shaqadan ay dowladdiisa qabatay “Arrintaani waxay tahay dadaalka ay wadday dowladda 9 bilood ee la soo dhaafay oo aan galinay dadaal iyo shaqo badan sidii aan umadda Soomaaliyeed ee aan mas’uulka ka nahnay aan ugu adeegi laheyn, howshaan aad arkeysaan maanta waxay ku timid wadashaqeyn, waxay ku timid khilaaf la’aan waxaad ogtihiin haddii khilaaf iyo is qab-qabsi uu yimaado dowladda dhexdeeda wax allaala wixii horay loo waday waa aay joogsanayaan .”

Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa madaxweyne Farmaajo sheegay in badda ay xigi-doonto”Maanta waa maalin Taariikhi ah hawadeenna gacanta ayay noogu jirtaa anagaana maamuleyna tani waa bilow oo ah inaan xoojino qarannimada,waxaa noogu xigi doono in sha allah oo aan gacan noogu jirin inaan soo ceshano maamulka baddeenna muddo kooban dhexdeeda ayaan soo cesho doonaa oo aysan jiri doonin cid ku soo xad-gudubta”.

Ugu dambeyntii waxaa uu ka hadlay la-dagaalanka musuqa iyo sida hey’adaha lacagta u ammaaneen Soomaaliya isaga oo soo jeediyay in laga shaqeeyo midnimada, isla markaana bilaabi-doonaan dib u heshiisiin.

Goobjoog News