U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan Aaminsanahay Inaan Ka Guuleysaneyno Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo la hadlay qaar kamid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in dalka laga saarayo Al-shabaab.

Waxa uu madaxweynaha tilmaamay in ciidanka ay yihiin rajada kaliya ee ay hadda qabaan shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in shacabka looga farxiyo dalkooda oo xor ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay madaxweynaha iney iyaguna diyaar u yihiin iney daba socdaan ciidamadooda oo ay wax walbo ku taageeraan.

“Waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al-shabaab, qibradeedii waad leedihiin, wadaniyadeediina waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad istaagan oo xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah iney hormuud idiin noqotana waad haysataan oo annaga ayaa kow ka ah inaan ciidamadiina dagaalka idiin la galno, shacab wanaagsan oo soo jeeda waad heysataan oo idin dabataagan oo garab idiin siinaya, wax inoo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaallo, maskaxdii iyo aqoontii iyo qibraddii umad ay sugeysay ee shacabka Soomaaliyeed sugayeen waa idinka, marar badan badanna waan idiin sheegay, hadana waan idiin kugu celinayaa, cid kale oo Soomaaliya u maqan ma jirto oo idinka ahayn, waxaan idin ka codsanayaa waajibaadkiina sida uu yahay oo ugu dhaarateen inaad u fulisaan, oo aad ka fogaataan wax walbo oo dalkaan burburiyey, waxaan idiin sheegayaa annaga inaan idin horkacno” ayuu yiri madaxweynaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda abaabulkii ugu dambeeyay ee dhanka ciidamada, islamarkaana ay ku dooneyso iney dalka oo dhan uga saarto Al-shabaab.

Goobjoog News