U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmajo Iyo Waxgarad Ku Kulmay Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa habeenkii xalay aha wuxuu kulamo la yeeshay waxgaradka degmadaasi.

Waxgaradka ayaa madaxweynaha kala hadlay arrimo dhowr ah oo degmada Caabudwaaq u baahan tahay, sidoo kalena waxay madaxweynaha ku booriyeen shaqooyinka uu hayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan u ambabaxo dhanka degmada Hobyo oo ay ku sugan yihiin wafdi horudhac u ah madaxweynaha.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo oo kasoo bilowday deegaannada Puntland ayaa hadda kusoo gabagabeynaya Galmudug.

Goobjoog News