U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Iyo Qorbe-joog Ku Kulmay Garoowe (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay shir ballaaran oo ay wada yeesheen madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehlinayaan ku xigeenkiisa iyo xubno ka mid ah Labada gole ee maamulkaasi iyo Qurbe-joogta Puntland.

Shirkaan ayaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan kaalinta Qurbe-joogta ee dalka, waxaana laga wada hadlay sidii dadka Soomaaliyeed ee dibadaha jira gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland maalgashi ugu sameyn lahaayeen deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Inta badan dadkii shirkaasi ka qeybgalay ayaa halkaasi hadallo ka jeediyeen, waxaana ay sheegeen in ka Qurbe-joog ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka qeybqaataan horumarada dalka.

Sidoo kale dadka qaar ayaa su’aallo ku aadan maalgashiga, iibka dhulka iyo arrimo kale weydiiyey madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo shirka hadal ka jeediyey ayaa Qurbe-joogta ku ammaanay doorkooda horumarineed ee ay dalka ka geystaan isla markaana waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay  in ay ka qayb qaataan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey qurbe joogta Puntland in ay maal-gashadaan dalka oo ka qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay waddanka kusoo kordhiyaan warshado wax soo saar si kor loogu qaado ganacsiga dalka.

Hoos ka daawo sawirada

40 39 38 37 36 35 34 33 32 31 30 29 28 27 26 25 24 23 22 21 20 19 18 17 16 15 14 13 12 11 10 009 008 007 006 005 003 002 001

Goobjoog News